Home / Habka-Nolosha / Haweenay ku go’doontay gudaha diyaarad markii looga tagay iyada oo hurdaysa

Haweenay ku go’doontay gudaha diyaarad markii looga tagay iyada oo hurdaysa

Himilo –Haweenay u dhalatay Canada ayaa wajahday xaalad adag markii ay ku go’doontay gudaha diyaarad iyadoo ku noqotay keli.

Wargeyska the Sun ayaa laga soo xigtay in Van Teivani oo ku socotay Toronto inay ku go’doontay gudaha diyaarad markii dhammaan shaqaalaha ka baxeen oo ay u dageen bannaanka.

Markii diyaarada duushay oo ay socotay dhowr daqiiqo ayay jiifatay Van  illaa diyaarada ka dagtay islamarkaana dhaqaaqeen shaqaalaha oo dhan.

Haweenayda ayaa soo kacday saacado kaddib markii diyaarada caga dhigatay, waxayna ku go’doontay gudaha diyaarada oo la damiyay dhammaan layrkii ka shidnaa.

Nasiib xummo, dabka taleefanka Teivani ayaa dhacsanaa waana midda ku dhalisay walwal badan.

Ugu danbeyn, wareer badan kaddib waxaa u suura gashay inay aragto albaab kamid ah kuwa diyaarada oo ay uga gacan haatisay qof ku sugnaa meel fog, sidaasi ayaan lagu soo badbaadiyay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan