Home / Caafimaad / Haweenay ku jirtay miir daboolan 30 sanno oo dib u soo kacday

Haweenay ku jirtay miir daboolan 30 sanno oo dib u soo kacday

Himilo FM– Haweenay u dhalatay Imaaraadka Carabta oo ku jirtay miir-daboolan muddo 30 sanno ah ayaa lagu soo waramayaa inay dib u soo kacday kaddib markii dhaqaatiirta ka quusteen xaaladeeda caafimaad.

Dhacdadan ayaa bilaabatay sannadkii 1991-kii kaddib markii Muniira Cabdullaahi oo 60 jir ah gashay shil gaari.

Cumar oo ay dhashay Muniira ayaa gaariga la saarnaa isaga oo da’diisa ahayd xilligaasi 4 jir.

Sida laga soo xigtay wargeyska The National, Cumar oo hadda 32 jir ah ayaa xusuusta dhacadada xannuunka leh. Waxa uu sheegay in hooyadii isku duubtay markay xaqiiqsatay gaari ku soo socda si uusan dhaawac madaxa uga gaarin.

Waxaa la geeyay isbitaalo kala duwan oo ku yaalla gudaha iyo bannaanka Imaaraadka iyadoo dhaqaatiirta ka quusteen xaalaadda haweenayda.

Bishii April ee sannadkii 2017 ayaa la gaarsiiyay isbitaal ku yaalla Jarmalka halkaasi oo xaaladeeda ku soo hagaagtay.

Ms Muniira ayaa sannad kaddib ka soo kacday miir-daboolanka iyadoo dusha ka akhrisay aayado kamid ah Qur’aanka kariimka. The National ayaa ku soo waramaya in wali lala tacaalayo xaaladeeda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan