Himilo –Haweenay ka shaqeysa qeybta ammaanka ee garoonka magaalada New York ayaa laga ceyriyay shaqada kaddib markii ay qof rakaab ah ku sheegtay “Qof foolxumo badan.”
Dhacdada oo ahayd bishii June ayaa hadda soo shaac baxday kaddib markii Neal Strassner oo ahaa qofkii rakaabka uu soo dhigay YouTube-ka muuqaal sheekada la xiriira.
Muuqaalka oo ay duubtay Greater Rochester ayaa muujinaya haweenayda oo ninka ku wareejinaysa warqad yar xilli uu ka gudbay bar dadweynaha lagu baaro.
Mr Neal ayaa sheegay in uusan ku baraarugin warqada illaa markii danbe haweenayda ku tiri “Ma dooneysid in aad furto”?
Sida laga soo xigtay dhibanaha la faquuqay, qoraalka keliya ee ku qornaa warqada ayaa ahaa “ Waad foolxun tahay.”
Intaa kaddib, Mr Neal ayaa gudbiyay dacwad faquuq ah. Maamulka garoonka ayaa tilmaamay in shaqada laga saaray haweenayda.