Home / Arrimaha Bulshada / Haweenay lagu qabtay Taiwan iyadoo xadeysa bisado!

Haweenay lagu qabtay Taiwan iyadoo xadeysa bisado!

Himilo FM –Warbaahinta Taiwan ayaa sheegtay in garoonka Hong Kong lagu xeray haweenay iska soo dhigtay inay uur leedahay balse dhoofinaysay labo bisadood oo la soo xaday iyadoo ku qarinaysa dharkeeda.

Dhacdadan waxay ku qasbaysaa maamulka garoonka Taoyuan inay sameeyaan baaritaan la xiriira sida haweenayda ugu suura gashay inay ka gudubto xarumaha la isku baaro sida laga soo xigtay warbaahinta Apple Daily.

Booliiska ayaa sheegay inay muuqaal ka heleen garoonka oo muujinaya haweenayda oo wadata boorso cad kahor inta aysan ka gudbin xarumaha dadka lagu baaro.

Chang Chin oo ah haweenay xanaaneysa bisadaha ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee AFP in labo bisadood oo yaryar oo lagu kala magacaabo Anngi iyo Da Lili laga soo xaday billowgii bishan Febraayo.

“Waxay ahayd xilliga quudinta, waan baxay, waxaana markii danbe oggaaday inay maqan yihiin labo bisadood,” ayay tiri Chang Chin.

Ms Chang ayaa durba ka shakisay haweenay deggan Hong Kong oo mar qorsheysatay inay iibsato bisada Anngi, waxayna joogtay gurigeeda muddo bil kahor dhacdada.

Haweenayda bisadaha xanaaneysa ayaa mar danbe badashay qorshaha iibinta bisada iyadaa ka tala baxday.

Wakaalada AFP ayaa la xiriirtay haweenayda la qabtay, waxaa taleefankeeda ka jawaabay nin isku sheegay inuu yahay saygeeda oo sheegay inuu ka xun yahay wixii dhacay. Booliiska ayaa hadda ula tacaamula dhacdada inay ahayd xatooyo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan