Home / Arrimaha Bulshada / Haweenay aflagaadeysay xaaska ninkeedii hore oo maxkamad wajahaysa

Haweenay aflagaadeysay xaaska ninkeedii hore oo maxkamad wajahaysa

Himilo FM –Haweenay Ingiriis ah ayaa wajahaysa labo sanno oo xarig ah kaddib markii ay ku tilmaamtay xaaska cusub ee ninkeeda hore “Faras”

Londoner Laleh Shahravesh oo 55 jir ah ayaa lagu xeray magaalada Dubai markii ay halkaasi u tagtay inay ka qeyb gasho aaska ninkeedii hore.

Waxay wajahaysaa maxkamadeyn la xiriirta labo faallo oo ay dhigtay Facebook-ga oo watay sawirro islamarkaana muujiyay ninkeeda oo dib u guursanaya sannadkii 2016-kii.

Xafiiska arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa sheegay in uu taageerayo Londoner oo ah hooyo dhashay cunug.

Ms Shahravesh ayay wada joogeen ninkeeda hore muddo 18 sanno ah iyadoo 8 billood ku nooleyd Imaaraadka Carabta sida laga soo xigtay kooxda xuquuqda aadanaha ee Detained in Dubai.

Markii ay ku soo laabatay UK, ninkeeda waxa uu ku haray Imaaraadka Carabta iyadoo lamaanaha kala tageen.

” Waxaan rajeynayaa inaad dhulka gashay, ma waxaad iiga tagtay faraskan,” ayay ku tiri Shahravesh qoraalka ay dhigtay Facebook-ga.

Marka la eego sharciga ku qotoma danbiyada elektorooniga Imaaraadka, waxa uu qofka ku muteysan karaa xabsi ama ganaax haddii uu erayo aflagaado ah uu ku qoro warbaahinta bulshada.

kooxda xuquuqda aadanaha ee Detained in Dubai ayaa sheegtay in Ms Shahravesh lagu xukumi karo labo sanno oo xarig ah inkastoo haweenayda 55 jirka qortay faallooyinka iyadoo joogta UK.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan