Home / Arrimaha Bulshada / Haweenay loo xukumay inay ku umushay musqul oo la sii daayay

Haweenay loo xukumay inay ku umushay musqul oo la sii daayay

Himilo FM –Maxkamad ku taalla El Salvador ayaa sii deysay haweenay lagu xukumay 30 sanno oo xarig ah kaddib markay ku dhashay gudaha musqul.

Evelyn Beatríz Hernández Cruz oo ah 20 jir ayaa seddex sanno oo xabsi ah qaadatay markii lagu helay danbiga ah inay cunug ku dhashay suuli laakiin waxay sheegtay inaysan xilligaasi oggaan inay uur leedahay.

Kaddib markii racfaan ay ka qaadatay xukunka lagu riday, maxkamad ayaa amartay in dib loo maxkamadeeyo, waxaana loo oggol yahay inay gurigeeda tagi karto.

Haweenayda iyo qareenada u doodaya ayaa sheegay in Evelyn aysan warba u heyn inay uur laheyd  islamarkaana uusan jirin wax danbi ah oo dhacay laakiin dacwad oogayaasha ayaa rumeysan inay haweenayda sameysay dil iyada oo aan raadsan daryeel .

Dad badan oo isugu soo baxay bannaanka hore ee xabsiga laga sii deynayay ayaa ku dhawaaqayay “Evelyn, Keligaa ma tihid.”

Bishii April ee sannadkii hore, Ms Hernández ayaa ku dhashay cunug musqul kaddib markii ay miir daboolantay islamarkaana dhiig badan uu ka baxay.

Dalka dhaca bartamaha Ameerika ayaa mamnuucay in la iska soo rido carruurta duruuf kasta oo jirta, waxaana boqolaal haween ah loo xeray arrintaasi.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan