Home / Dhaqaale / Haweenay maalinta dhalashadeeda ku guuleysatay bakhtiyaa nasiib $1 Milyan

Haweenay maalinta dhalashadeeda ku guuleysatay bakhtiyaa nasiib $1 Milyan

Himilo – Haweenay ku nool gobalka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa nasiib u yeelatay inay u dabaal degto markii ay ku guuleysatay tikit bakhtiyaa nasiib ah maalinta dhalashadeeda.

Rabin Lawler ayaa ku jirtay dabaal degga dhalashadeeda 5-tii bishan Maarso markii ay go’aansatay inay tikit ka iibsato dukaanka Harris Teeter store ee ku yaalla Sterling.

Lawler ayaa xustay in markii hore u qaadatay inay ku guuleysatay $600 balse markii ay furtay tikitka aragtay in lacagta tahay 1 Milyan oo doolar.

“Waan furay, waan eegay, waxaan iri, waa maxay? ayay tiri Rabin Lawler.

Ms Lawler ayaa la guddoonsiiyay $601,684 doolar oo timid markii lacagaha canshuuraha laga jaray abaal-marinta.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan