Himilo FM –Maxkamadda cadaalada Argentine ayaa ku amartay muwaadin u dhashay dalkaasi in uu bixiyo lacag magdhaw ah oo la siinayo xaaskiisa hore oo ay kala tageen 27 sanno kahor.
Ninka la xukumay ayaa laga doonayaa in uu bixiyo 178 kun oo Doolar oo la guddoonsiinayo xaaskiisa hore iyadoo magdhaw looga dhigayo shaqooyinkii guriga oo ay u qaban jirtay muddo 27 sanno.
Waxaa kale oo haweenayda loo siinayaa lacagta wakhtiga iyo korriimada ay gelisay carruurtiisa intii ay wada noolaayeen.
Warbaahinta Argentine ayaa ku soo waramaysa in magdhawga uu qeyb ka yahay sharciga rayidka ee wax-ka-beddelka lagu sameeyay sannadkii 2015.
Ninka ayaa heysta fursad uu isaga yareyn karo lacagta isaga oo marba bixinaya qeyb, waxayna ku xeran tahay hadba sida heshiiska labada qofood uu noqdo.
Victoria Vama oo ah qaadiga maxkamadda ayaa sheegtay in haweenka ku tiirsan yihiin ragga dhaqaale ahaan marka la wada joogo, sidaa darteed waxay xustay in loo baahan yahay in haweenay kasta oo la furo in la siiyo xaqqeeda.
Qoraalka maxkamadda ayaa lagu sheegay in haweenayda oo da’deedu tahay 60 jir islamarkaana aan awoodin inay ku biirto suuqa shaqada aanan meel looga tagi karin.