Home / Arrimaha Bulshada / Haweenay shaqaaleysiinaysa qof u qaada go’aanadeeda!

Haweenay shaqaaleysiinaysa qof u qaada go’aanadeeda!

Himilo FM –Waxaan si joogta ah u sameynaa khaladaad wakhti kasta hase ahaatee haweenay ku nool dalka Ingiriiska ayaa dareemaysa inay sameysay khaladaad badan sannadkii hore, waxayna hadda dooneysaa inay qof u shaqaaleysiiso sidii uu wakiil uga noqon lahaa go’aanadeeda.

Waxay tani imaaneysaa kaddib markii haweenayda lacago badan ku weyday saaxiibbo ay aamintay islamarkaana dhibaato badan ka martay xiriiro ay sameysay 12-kii billood ee ugu danbeysay.

Haweenaydan oo aan magaceeda la shaacin ayaa ka soo jeeda Bristol oo katirsan UK, waxaana ka go’an inay qof u shaqaaleysiiso sidii uu wakiil uga noqon lahaa go’aan kasta oo ay qaadanayso. Waxay u qorsheysay qofka lacag dhan 2,600 doolar bil kasta.

“Haa, waa la yaab laakiin waan u baahanahay qof ii qaada go’aanada, waxaan soo maray sannad xun, waxaan doonayaa qof I caawiya oo xakameeya nolosheyda,” ayay tiri haweenayda aan la magac dhabin.

Waxay intaa raacisay “Waxaan u maleynayaa hal bil waa wakhti dheer oo aan nolosheyda ku soo ceshan karo, haddii qorshahan uu wanaagsanaado, waan ku sii socon doonaa.”

Ugu danbeyn, shuruudaha shaqada waxaa lagu sheegay in qofka loo qaadanayo booska inuu heegan noqon karo 24-ka saac ee toddobada maalin islamarkaana uu si dhaqsi ah uga jawaabi karo codsiga haweenayda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan