Home / Arrimaha Bulshada / Haweenay si xeeladeysan uga dawarsatay Internet-ka

Haweenay si xeeladeysan uga dawarsatay Internet-ka

Himilo FM –Booliiska Dubai ayaa daaha ka qaaday xogta dhacdo ku saabsan haweenay ajnabi ka ah dalkaasi oo ay u suura gashay inay lacag ka sameyso dawarsi xagga Internet-ka ah muddo 17 maalin ah.

Haweenayda aan la shaacin dhalashadeeda ayaa la tilmaamay inay boggag ka furatay Facebook, Instagram iyo Twitter si ay ugu soo jiidato quluubta dadka iyada oo ka codsaneysa inay ka caawiyaan korriimada carruurteeda.

Xogta booliiska ayaa muujisay in haweenayda ajnabiga oo carmal ah inay soo dhigtay Facebook-ga iyo shabakadaha kale dhigaallo wata sawirro carrruur oo ay ku codsaneyso in maaliyad ahaan loo caawiyo.

Haweenayda ayaa xustay inay dhibane u noqotay guur fashilmay islamarkaana dadaal ugu jirto korriimada carruurta.

Ninka furray haweenayda oo u dhashay wadamada Khaliijka ayaa fahmay xeeladda haweenayda kaddib markii ay la soo xiriireen qaraabadiisa oo u sheegay inay ka naxeen duruufta carruurtiisa oo sawirradooda la soo dhigay baraha bulshada.

Intaa kaddib, waxaa la war geliyay booliiska oo oggaaday in carruurta la nool yihiin aabbahood iyaga oo heysta nolol wanaagsan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan