Himilo – Hooyo u dhalatay Waqooyi Kuuriya ayaa wajaheysa khatarta ah in la xero sabab la xiriirta inay dab ka kacay gurigeeda ka badbaadisay carruurteeda iyada oo ka tagtay sawirrada hoggaamiyaasha dalkaasi oo gubanaya.
Wasaaradda amniga Waqooyi Kuuriya ayaa baaritaan ku heysa hooyada oo ay guriga wada daganaayeen qoys kale sida uu ku soo waramayo wargeyska Daily Mail.
Dhacdadan waxaa laga soo wariyay gobalka Unsong ee ku dhaw xudduuda Kuuriyada Waqooyi la wadaagto Shiinaha.
Haddii danbiga lagu helo haweenayda, waxay wajaheysaa xabsi dheer oo waliba si adag loogu shaqeyn doono. Marka la eego natiijadda baaritaanka, looma oggolaan doono hooyada inay carruurteeda geyso isbitaal si looga dabiibo dhaawacyada gubashada.
Deriska qoyska ayaa ka baqaya inay caawiyaan hooyada si aan loogu soo jeedin eedeynta ah danbi siyaasadeed.
Kuuriyada Waqooyi ayaa dul-dhigtay qoysaska dalkaasi amarka ah inay guryaha ku dhejiyaan sawirrada hoggaamiyaashii hore ee dalka. Waxay sameysaa mar walba baaritaan lagu xaqiijinayo arrintaasi.