Qofka ugu da’da weyn dunida oo u dabaal degtay dhalashadeeda 117aad

Himilo – Kane Tanaka ayaa difaacatay kaalinta ah inay tahay qofka ugu da’da weyn caalamka kaddib markii loo dhigay xafladeeda dhalashada 117aad oo ka dhacday koonfurta Jabaan.

Muuqaallo uu baahiyay telefishinka Jabaan ayaa muujiyay Tanaka oo u dabaal degaysa dhalashadeeda 117aad iyadoo dhadhamisay macmacaan loo diyaariyay.

Xaflad sharafeed weyn ayaa loo dhigay sannadkii hore kaddib markii ay noqotay qofka ugu da’da weyn caalamka.

Hay’adda Guinness World Records ee diiwaan gelisa rikoorada caalamiga ah ayaa si rasmi ah ugu aqoonsatay Kane Tanaka qofka ugu da’da weyn dunida.

Ms Kane ayaa dhalatay 2-dii bishii Janaayo ee sannadkii 1903-dii. Waxay ahayd qofka toddobaad ee qoyskooda iyadoo guursatay Hideo Tanaka sannadkii 1922-kii.

Wakaalada wararka ee AP ayaa tilmaamtay in Kane jeceshahay barashada xisaabta laakiin waxaa laga doonayaa inay jabiso rikoor u yaalla haweenay Faransiis ahayd oo nooleyd muddo 122 sanno ah sida laga soo xigtay Guinness World Records.   

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan