Home / Habka-Nolosha / Qofka ugu da’da weyn dunida oo u dabaal degtay dhalashadeeda 117aad

Qofka ugu da’da weyn dunida oo u dabaal degtay dhalashadeeda 117aad

Himilo – Kane Tanaka ayaa difaacatay kaalinta ah inay tahay qofka ugu da’da weyn caalamka kaddib markii loo dhigay xafladeeda dhalashada 117aad oo ka dhacday koonfurta Jabaan.

Muuqaallo uu baahiyay telefishinka Jabaan ayaa muujiyay Tanaka oo u dabaal degaysa dhalashadeeda 117aad iyadoo dhadhamisay macmacaan loo diyaariyay.

Xaflad sharafeed weyn ayaa loo dhigay sannadkii hore kaddib markii ay noqotay qofka ugu da’da weyn caalamka.

Hay’adda Guinness World Records ee diiwaan gelisa rikoorada caalamiga ah ayaa si rasmi ah ugu aqoonsatay Kane Tanaka qofka ugu da’da weyn dunida.

Ms Kane ayaa dhalatay 2-dii bishii Janaayo ee sannadkii 1903-dii. Waxay ahayd qofka toddobaad ee qoyskooda iyadoo guursatay Hideo Tanaka sannadkii 1922-kii.

Wakaalada wararka ee AP ayaa tilmaamtay in Kane jeceshahay barashada xisaabta laakiin waxaa laga doonayaa inay jabiso rikoor u yaalla haweenay Faransiis ahayd oo nooleyd muddo 122 sanno ah sida laga soo xigtay Guinness World Records.   

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan