Himilo – Nilanshi Patel oo ka soo jeeda dalka Hindiya ayaa ku guuleysatay inay difaacato rikoorka ah haweenayda ugu timaha dhaadheer caalamka.
Dhirirka timaha gabadha 17 jirka ah ayaa lagu sheegay 17 sentimitir iyada oo heysatay rikoorkan tan iyo sannadkii 2018-ka.
Hay’adda diiwaan gelisa rikoorada caalamiga ah ee Guinness World Records ayaa guddoonsiisay Nilanshi shahaado cusub oo xaqiijineysa inay tahay haweenayda ugu timaha dhaadheer dunida.
Aabbaha dhalay gabadha ayaa u sheegay warbaahinta in uu ku faanayo guusha gabadhiisa oo uu ku tilmaamay fursad siin karta sumcad heer caalami ah.
Nilanshi ayaa lagu soo waramayaa in aysan jarin timaheeda tan iyo muddo 11 sanno ah sida laga soo xigtay warbaahinta Hindiya.
“Markii aan ahaa lix jir, waxaa I soo maray tijaabo xun,” ayay tiri gabadha reer Hindiya.
Waxay intaa raacisay “Tan iyo markaasi, waan ka feejiganahay in aan xiiro timaheyga, waalidkeyga way igu raaceen go’aanka.”