Home / Macluumaad / Haweenaydii ugu horeysay oo dooneysa in ay tagto dalalka caalamka oo dhan.

Haweenaydii ugu horeysay oo dooneysa in ay tagto dalalka caalamka oo dhan.

Kasandra Pickol oo ah haweenay u dhalatay dalka Mareykanka ayaa booqatay 181 dal oo kamid ah dalalka caalamka tan iyo markii ay bilawday safar ay ku tagayso dhammaan dalalka caalamka bishii july ee ina dhaaftay.

Kasandra oo 27sano jir ah, waxa ay dooneysaa in ay gaarto dalalka caalamka oo dhan, sidaasina ay ku noqoto haweenaydii ugu horeysay ee tagta dhammaan dalalka dunida.

Waxa ay booqan doontaa 6 todobaad ee soo socota 15 dal oo uga harsan scoreka ay dooneyso in ay sameyso si hay’adda Guiness World Records ay ugu aqoonsato haweenaydii ugu horeysay ee tagta dhammaan dalalka madaxa banaan ee caalamka .

‘ gabar dhalinyaro ah anigoo ah, waxaan ku riyoon jiray inaan tago dalalka caalamka oo dhan,’ sidaasi waxaa tiri Kasandra oo warbaahinta la hadashay.

Safarka haweenaydan oo heysata darajada labaad ee cilmiga ayaa ku kacaya 200.000 oo doolarka Mareykanka ah, qaar waxaa ka bixiyay dad taageersan fikirkeeda halka inta badan lacagtana uu bixinayo machadka caalamiga ah ee nabadda.

‘ waxaan isku arkaa inaan ahay muwaadin caalami ah,’ intaa waxaa hadalka raacisay Kasandra.

Ha’adda Guiness World Records ee qiyaasaha caalamiga ah sameysa ayaa aad ula socota dadaalka haweenaydan oo ka soo jeeda gobalka Connecticut ee dalka Mareykanka.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan