Home / Arrimaha Bulshada / Haweeney 10 sanno oo xabsi ah ku mutaysatay Diin ay tahriibineyse

Haweeney 10 sanno oo xabsi ah ku mutaysatay Diin ay tahriibineyse

Himilo-Hawenaydan oo ku safraysay dalka Canada ayaa qiratay inay si dhuumaaleysi ah u tahriibinayse Dii-diin loo yaqaano Eastern box turtles oo ah Diin dunida aad ugu yar.
Wan Yee Ng ayaa la xiray bishii Juun xilli ay isku diyaarineysay inay ku safarto dooni nooca la buufiyo ah xilli ay waday 29 Diin oo ah nuuca dunida loogu ilaalada badanyahay, waxayna doonaysay inay ka gudubto Canal-ka Harada Wallace oo iskuxera Canada iyo Mareykan-ka. sida ku cad warqad caddeyn ah oo maxkamadda federaalka la horgeeyay.
Diin-ka Eastern box waa nooc duur-joog ah oo la ilaaliyo, waxa uu caan ku yahay xariijiyo dhalaalaya oo oranji iyo jaalle ah oo korka ka samaysan qolof madow. Waxa lagu iibiyaa suuqa madow ee Shiinaha isagoo qiimahiisu gaarayo $1,000, sida ay soo warisay wakaaladda wararka ee Associated Press.
Haweyneyda waxay qiratay dambiga ah, waxaana lagu xukumay 10 sanno oo xabsi ah iy ganaax gaaraya 250,000.
Dowladda Canada waxay horay xukun noocaan oo kale ah ugu riday dhowr qof kuwaas oo lagu eedeeyay inay isku dayeen inay tahriibiyaan Diin-ka Eastern box .
Bishii March, Maxkamad ayaa xukun ku riday nin ka soo jeeda Hong kong oo lagu eedeeye in uu tahriibinaye Diin-ka isagoo ka dhigaya gartoon buskud uu ku jiro.
Ururka ilaaliyo deegaan-ka ee Turtle Survival Alliance, wuxuu sheegay in Diinka noocaan ah uu qatar ku jiro, sabab la xiriirta burburinta deegaanka ay ku nool yihiin

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan