Home / Arrimaha Bulshada / Haweeney 20 Sano u isticmaalayse Bam Gacmeed Buris ahaan.

Haweeney 20 Sano u isticmaalayse Bam Gacmeed Buris ahaan.

Himilo – Haweeney da’ ah oo u dhalatay dalka Shiinaha ayaa mudo 20 sano ah isticmaalaysay Dube ama burus fudud oo ay u adeegsanjirtay waxyaabo badan balse la yaabtay markii ay ogaatay in qalabkani uu yahay bam gacmeed.

Sheekada la yaabka leh ayaa bilaabatay labaatan sano ka hor markii haweeneyda lagu naaneyso Qin, oo hadda 90 jir ah, kana soo jeeda gobolka Hubei ee Shiinaha, ay heshay “bir yar oo kuusan xilli ay ka shaqeyneysay beerteeda oo ku taal degmada Huangbao.

Iyada oo u aragtay dubbe maadaama uu lahaa qaabkiisa oo kale, ayay u qaadatay hoygeeda si ay ugu adeegsato hawlaha gurigeeda.

“Waxaan u isticmaali jiray guriga si aan ugu tunto basbaaska cas, dildilaacinta lowska, iyo garaacista musaabiirta,” Qin ayaa sidaa tiri.

In ay, dhab ahaantii, la macaamilaysay qalab dilaa ah, waxay soo ifbaxday 23-kii Juun, markii shaqaalihii duminayay gurigeedii hore ay garteen inuu yahay bam-gacmeed.

Saldhigga booliska ee Huangbao ayaa si degdeg ah uga jawaabay dhacdada iyaga oo ku wargeliyay maamulka ammaanka dadwaynaha ee deegaanka, kuwaas oo u diray askar iyo qayb ka mid ah kuwa bambaanooyinka ku xeesha dheer.

Sida laga soo xigtay fiidiyoow la soo dhigay baraha bulshada, gacanta alwaaxa ah ee bam-gacmeedku waxa ay noqotay mid siman oo dhalaalaysa maadaama sannado badan loo isticmaalayey burus, halka madaxiisa uu yeeshay godad badan.

maamulka deegaanka ayaa kulan waxbarasho  oo badbaado ah u qabtay dadka tuulada deggan si ay uga taxadaraan qataraha uga iman kara waxyaabaha qarxa.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan