Home / Haweenka / Haweeney da’da oo shaqada looga ceyriyay si yaab leh.

Haweeney da’da oo shaqada looga ceyriyay si yaab leh.

Muqdisho – Haweeney da’ ah oo ku nool Texas ayaa la fajacsan ficil uu ku sameeyey madaxa Walmart kadib markii laga eryay booskii ay ku lahayd shirkadda.

84-jirta lagu magacaabo Frankie Ruffino oo degan Burton waxay u shaqeynaysay shirkadda Walmart muddo 10 sanadood ah.

Ugu horreyn waxay u shaqeyn jirtay sida soo dhaweeye martida qaabila, balse markii caafimaadkeedu soo dhacay waxaa la dhigay qeybta qabashada tilifoonnada.

Shaqadeeda muddo dheer ee shirkadda waxay kusoo dhamaaday falkan la sheegey inay ku lunsatay adduun dhan hal Doolar.

Maalintii Talaadada iyada oo kasii baxaysa shaqadeeda, waxay aragtay lacagtan oo dhulka taalla, Ruffino waxay ku ridatay boorsadada wayna dhaqaaqday.

Subaxdii danbe, waxaa looga yeeray xafiiska waxaana la su’aalay haddii ay lacagta aragtay iyo in kale. Ruffino waxay soo bixisay halkii doolar kuna wareejisay.

Maareeyaha ayaan ku qancin ficilkeeda, wuxuuna u sheegay inay fasaxan tahay maaadaama shaqada laga tiriyay.

Ruffino waxay sheegtay in dhib ku tahay shaqa la’aan madaama aysan iska bixin karin qarashka uga baxaya oksijiinka iyo daawada.

Waxay sidoo kale ku hinraagsan tahay in iyada oo da’dan jirta sumcadeeda wax la iska weydiinayo.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan