Home / Haweenka / Haweeney furriin dalbanaysa kadib shaqo-ka-joojin ay kala kulantay seygeeda!

Haweeney furriin dalbanaysa kadib shaqo-ka-joojin ay kala kulantay seygeeda!

Muqdisho – Haweeney 28-jir Masar u dhalatay ayaa raadinaysa dalaaq ama furriin kadib laba toddobaad un oo ay is qabeen seygeeda – iyada oo ku eedeynaysa qabashada howlaha dumarnimo ee guriga. Seyga oo 31-jir ah wuxuu leeyahay xarun ganacsi. Balse maadaama uu u wakiishay dad uga shaqeeya, waqtigiisa ugu badan wuxuu ku qaataa guriga isaga oo howlaha la qabanayo dusha saartay mas’uuliyaddooda.  Samar waxay sheegtay inuu badi waqtigiisa ku bixiyo nadiifinta iyo agaasinka guriga – iyaduna waxay tilmaantay inaysan in badan lasii noolaan karin.

Haweeneyda, oo lagu magacaabo Smar M., waxay ku andacoonaysa in seygeeda Mohamed S., uu u dhaqmo sida xaas la qabo – ayna aad uga dhiriftay. Xitaa uma ogola inay shaqada la qabato. Ugu danbeyntii waxay kala hortimid diidmo. Balse wuxuu ugu yeeray in haddii ay doonayso inay guriga kula noolaato ay qasab ku tahay inay raacdo sharcigiisa.

“Wax shaqo ah kuma lihi guriga xittaa inaan fogaan-aragga shito,” ayay tiri iyada oo sharraxaysa sida seygeedu uu kaligiis iskugu koobay shaqada guriga.

Markii Samar ay xididkeeda kaga ashtakootay falka seygeeda, waxaa la yaab ku noqotay maqalka ah in ninkani uusan waligiis wax shaqo ah ka qaban guriga hooyadiis.

Hadda waxay ka gudbisay dacwad, iyada oo sheegeysa: “Seygeygu ima siinin xurriyadda aan howsha gurigayga ku qabsado. Waxaan dareemayaa sida marti ku sugan hotel.”

Waxay raadinaysaa dalaaqa lagu magacaabo ‘Khula’ oo ah hab haweeneyda Muslimadda ah ay iskaga furi karto ninkeedaa iyada oo taas beddelkeeda u celinaysa Meherkii uu ku guursaday.

Kiiskeedu wuxuu hadda horyaal maxakamadda.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan