Home / Haweenka / Haweeney gaarigeeda iskaga wax-yeeleysay sigaar ay cabaysay oo ku gubtay.

Haweeney gaarigeeda iskaga wax-yeeleysay sigaar ay cabaysay oo ku gubtay.

Muqdisho – Haweeney ayaa la yaab gelisay dad badan markii la sheegay in sigaar ay cabaysay uu qarax ka dhex dhaliyay gaarigeeda, marka loo eego booliska UK.

Adeegga gurmadka degdegga ah ee Essex Fire Service ayaa sheegay in falku uu dhacay maalintii Arbacada. Dab-damiska ayaa la iskugu yeeray si ay uga qeyb noqdaan gurmadka.

Markii ay yimaadeen waxay heleen in gaarigu uusan dab ka kicin balse uu soo gaaray shil fool xun.

Daaqadaha, albaabada iyo saqafka kore ayaa burburay. Sababta dhacdada waxaa la xaqiijiyay inay ku dhacday si shil ah.

Dareeraha qarxi kara ayaa si fudud ula fal-galay haash sigaar oo sii dhamaanaya. Milkiilaha gaariga waxaa soo gaaray dhaawac fudud waxaana loo qaaday isbitaalka Jaamacadda Southend University.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in falkani uu yahay naadir, hayeeshe waxaa muhiim ah in laga foojignaado had iyo jeer ayay yiraahdeen.

“Waxan si adag ugu talinaynaa in lakala fogeeyo walxaha qarxi kara iyo dabka iyo inaan la adeegsan sigaar xilliyada safarka lagu jiro.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan