Haweeney hal kiilo oo cidiyaheeda ah ku iibsatay in ka badan 20 doollar

Himilo -Haddii aad urursanaysay ciddiyahaaga oo aad u baahan tahay lacag degdeg ah, waxaa fiican inaad ka fikirtid inaad ku iibiso gudaha Shiinaha, halkaas oo loo adeegsado daawo dhaqameed.

Caadiyan, ciddiyaha waa la tuuraa marka la iska jaro, balse sida ay sheegayaan daawooyinka dhaqanka Shiinaha, waxay yihiin maaddooyin qiimo leh oo lagu daro isku-darka dawooyinka loo adeegsado daaweynta xaalado ay ka mid quman bararka.

Shirkadaha soo saara dawooyinka dhaqanka Shiinaha ayaa la sheegay in ay ciddiyaha ka iibsadaan iskuullo iyo tuulooyin, kaddibna dhaqid iyo qalajin, shiidaan si ay budo u noqdaan, taas oo lagu daro dawooyin kala duwan.

Maadaama dadka waaweyn ay celcelis ahaan sannadkii kaliya soo saaraan qiyaastii 100 garaam oo cidiyo ah, uruurinta ku filan si baahida loo daboolo waa hawl adag, taas ayaana qiimaha ciddiyaha ka dhigta mid sarreeya.

Warbaahinta Shiinaha ayaa dhawaan soo warisay in haweeney ku nool gobolka Hebei ay ku iibinaysay ciddiyaheeda internetka qiime dhan 150 yuan (qiyaastii $21) halkii kiilo.

Waxay ciddiyaha urursanaysay tan iyo yaraanteedii, waxayna go’aansatay inay lacag ka sameyso.

Adeegsiga ciddiyaha bini’aadamka ee daawo dhaqameedka Shiinaha ayaa hoos u dhacay wixii ka dambeeyey 1960-meeyadii. Waqti ka dib waxaa la helay maaddooyin kale oo saameyn la mid ah leh, balse ciddiyuhu weligood gabi ahaanba meesha kama bixin. Sida muuqata, hadda waxay dib ugu soo noqdeen suuqa!

Dadka shiida ciddiyaha ayaa si cad u sheegay inay si taxaddar leh u hubiyaan ciddiyaha ay iibsadaan, ciddiyaha lugahana gebi ahaanba ma aqbalaan.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

Previous article
Next article
error: Copy lama Ogola Fadlan