Home / Arrimaha Bulshada / Haweeney labo bilood oo xabsi ah ku mutaysatay Ey ay aad u quudisay .

Haweeney labo bilood oo xabsi ah ku mutaysatay Ey ay aad u quudisay .

Himilo-Haweeney u dhalatay dalka New Zealand ayaa lagu xukumay labo bilood oo xarig ah, kaddib markii ay si xad dhaaf ah u quudisay eygeeda, taasoo sababtay in uu socon waayo Tobadn mitir.

Miisaankiisu waxa uu gaaray 53.7kg lugihiisa yaryarna waxay awoodi waayeen inay xamilaan jirkiisa aadka u cuslaaday. Police-ku waxay sheegeen in uu Eygu sadax jeer u baahdan in uu nasto si uu u socdo 10 mitir. Dhaqaatiirta way ku adkaatay inay baaritaan ku sameeyaan wadnahiisa dufanka saaran owgeed.

Eyga waxa uu sidoo kale la ildarnaa nabarro ka soo gaaray suxullada iyo caloosha. Haweyneyda laheyd ayaa siin jirtay siddeed ilaa toban xabbo oo digaag ah maalintii, iyo buskudka eeyaha oo tiro beel ah.

Eyga oo si xad dhaaf ah loo quudiyay ayaa muddo laba bilood ah ku jiray daryeel ay u fidinayeen ururka ka hortaga tacadiyada xayawaanada ee magacooda loo soo gaabiyo SPCA, muddadaas waxa uu lumiyay 8.9 kiiloogaraam, balse waxa uu si lama filaan ah ugu dhintay dhiigbax kaga yimid beerkiisa.

Milkiilaha Eygan  ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay si xad dhaaf ah u quudin jiray , ugu dambeyntiina uu u dhintay, waxaana todobaadkii hore Maxkamadda ku xukuntay in ay bixiso magta eyga  oo ah $720, iyada oo muddo sanad ah laga mamnuucay inay eeyo xanaaneysato, waxana lagu xukumay labo bilood  oo xabsi ah.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan