Home / Haweenka / Haweeney Masjidkii ay ku riyoon jirtay ka dhistay Las Vegas

Haweeney Masjidkii ay ku riyoon jirtay ka dhistay Las Vegas

Himilo- Ka Sharaf Haseebullah ahaan, oo 74 jir ah dalka Pakistan u dhalatay ah, riyadeedii aheyd inay lacagteeda ku dhisto Masjid ayaa u rumowday saddex sano kahor, sida laga soo xigtay Religion News.

Waxaa uga baxay adduun dhan saddex milyan oo doolar dhismaha Masjidkan oo ku yaalla Las Vegas Nevada. Waxayna noqotay haweeneydii koowaad ee Waqooyiga America ku nool oo darajadaas gaarta.

Masjidka oo la dhisay sanandkii 2016-ka, waxaa la filayaa inay kusoo dukadaan Muslimiinta ku nool Vegas ee gaaraysa 20,000.

“Duni ay noloshu iska adag tahay, helidda meel xiriirka Ilaahay lagu sahlo waxay dad badan ka qaadaysa cabsida iyo walbahaarka nolosha,” ayay tiri Sharaf.

Las Vegas waxaa hadda ku yaal shan Masaajid oo ay ku cibaadeystaan Muslimiinta ku nool oo lagu qiyaaso 20,000.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan