Harare – Dadka ayaa is weydiinaya su’aalo dhowr ah kadib markii haweeney ku nool Zimbabwe ay dhashay ilmo u eg sida Raha.
Si kastaba, isbitaalka ayaa sheegay inaysan falanqeyn caafimaad ka bixin karin sababta ay haweeneydan u dhashay cunugan aan caadiga ahayn.
36-jirta lagu magacaabo Precious Nyathi oo ku nool xaafadda Gokwe ayaa sidkeedu ahaa 8 bilood markii ay qabatay foosha. Ma aysan awoodin inay gaarto isbitaalka waxayna ku dhashay gurigeeda. Seygeeda, Nomore ayaa argagaxay markii uu arkay cunugga ay dhashay afadiisa oo u eg Rah.
Dhalmadeeda kadib, iyada iyo cunugeedaba waxaa loo qaaday isbitaalka xaafadda Gokwe halkaas oo lagula tacaalay dhallaanka. Hayeeshe, nasiibdarro wuu geeriyooday.
Horfiiqa buulada, Njelele ayaa sheegay inaysan jawaab u helin sida waxani u dhaceen.
Odayaasha ayaa si kastaba amray lamaanaha inay ku gubaan cunugooda dadweynaha hortiisa. Dad badan ayaana iskugu soo baxay inay arkaan dhallaankan kahor intaan la gubin.
Sawirkiisa ayaa lasoo dhigay baraha bulshada halkaas oo uu si ballaaran ugu faafay.
“Waxaan filayay cunug. Tanina waa wax Alle ii qoray. Waa laxaw waaya’aragnimo leh oo noloshayda ku noqon doonta bar ku-taal.”
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Hiraal