Home / Arrimaha Bulshada / Haweeneyda ugu dheer iyo midka ugu gaaban dunida oo kulmay

Haweeneyda ugu dheer iyo midka ugu gaaban dunida oo kulmay

Himilo-Haweeneyda ugu dheer adduunka iyo midda gaaban ayaa ku kulmay magaalada London si ay ugu dabaal degaan Maalinta Diiwaan-gelinta Guinness World Records.

Rumeysa Gelgi, oo dhererkeedu yahay 215.16 sentimitir iyo Jyoti Amge, oo cabirkeedu yahay kaliya 62.8 sentimitir ayaa ku kulmay Hotelka Savoy, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Guinness World Records (GWR).

Farqiga dhererka u dhexeeya labada haween waa 152.36 sentimitir oo u dhiganta (5 fiit), balse wada sheekeysigooda aya noqday mid guul ku dhamaaday.

“Waxaan leenahay waxyaabo naga wada dhexeeya. Labadeenaba waxaan jeclahay qurxinta, daryeelka nafta, dahabka, iyo samaynta cidiyaha,” ayay Gelgi ku sheegtay bayaanka.

Amge, dhankeeda, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay la kulanto qof kale oo haysta diiwaanka Guinness.

Gelgi oo u dhalatay dalka Turkiga ayaa noqotay haweeneyda ugu dheer dunida sanadkii 2021

Dhererkeeda ayaa sabab u ah xaalad aad u naadir ah oo loo yaqaan Weaver syndrome. Waxay ahayd qofkii 27-aad ee adduunka laga helo cudurkan, sida laga soo xigtay GWR.

Gelgi, oo 27 jir ah, waxay sidoo kale haysaa diiwaano kale sida inay leedahay gacmaha ugu dhaadheer dunida, cabirkoodu gacmaheedu waxa uu gaarayaa 24.93 sentimitir (9.81 inch);

Amge, oo ah jilaa iyo shaqsi caan ah waxay ka soo jeedaa dalka Hindiya, waxay qabtaa cudurka xayira koritaanka lafaha oo loo yaqaan achondroplasia kaas oo saameeya gacmaha iyo lugaha.

Cudurkan ayaa ka dhasha marxaladaha hore ee ilmuhu uurka hooyada ku jiraan.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan