Home / Habka-Nolosha / Hazard oo amaanay Macalin Conte.

Hazard oo amaanay Macalin Conte.

Muqdisho – Xiddiga Chelsea, Eden Hazard ayaa horumaray toddobaadka kaliya markii uu la shaqeeyey macalin Antonio Conte gudaha garoonka Stamford Bridge.

Hazard ayaa laba sano kaga hoos shaqeeyey Chelsea macalin Jose Mourinho, kahor inta uusan beddelin Conte xagaagii hore.

Xagaagii ugu horreeyey, Conte wuxuu kula guuleystay kooxda horyaalka EPL. Laacibka Hazard ayaana ku amaanay kartidiisa, wuxuuna yiri: “Xattaa la shaqeynta isbuuc gudihiis, waxaan ogaaday inaan horumar samaynayo.”

Hazard oo la filayo inuu dhawaan kusoo noqdo garoomada ayaa qaba inay tahay shaqo kale oo mudan in loogu diyaar-garoobo dadaal hufan.

“In badan ayaynu shaqeynay: waxaan ku guuleysannay horyaalka sanadkii hore. Waxaana ku dadaalaynaa inaan sii laba xoojinno guulaheenna.”

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan