Xiddiggii hore ee Kooxaha Chelsea iyo Real Madrid Eden Hazard ayaa qorsheynaya in uu isaga fariisto kubadda cagta kaddib markii uu isaga tagay Kooxda Real Madrid.
Hazard ayaa heshiiskiisa Real uu dhacay xagaagii la soo dhaafay mana jirin koox uu ku biiray inkasta oo ay jireen kooxo dalbaday hayeeshee waxaa uu ka gaabsaday.
Xiddiggan oo 32 jir ah ayaa lala xiriirinayay Horyaallada mareykanka ee MLS-ka, Sucuudi Pro League iyi League 1-ka France.
Sida laga sii xigtay walaalkii xiddigga ayaa diiday isku dayada Kooxaha Sucuudiga, Mareykanka iyo France waxaana uu go’aansaday in uu isaga fariisto kubadda Cagta.
Xulkiisa Belgium 126 kulan oo uu u saftay waxaa uu u dhaliyay 33 gool, kaliya Lukaku ayaa ah xiddigga ka badan goolasha Xulka Qaranka.