Home / Habka-Nolosha / Hazard: “Waxaan rabaa inaan dhaliyo goolal badan sida Messi iyo Ronaldo.”

Hazard: “Waxaan rabaa inaan dhaliyo goolal badan sida Messi iyo Ronaldo.”

Muqdisho – Eden Hazard, ayaa rumeysan inuu u baahan tahay dhalinta goolal badan haddii uu doonayo gaarista heer lamid ah laacibiinta Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Hazard, oo 26-jir ah, ayaa Blues-ka ka caawiyay inay ku sigato hanashada koobka horyaalka PL oo ay hoggaanka u heyso iyo koobka FA Cup-ka oo ay taagan tahay dhamaadkiisa – isaga oo u dhaliyay labada ciyaaroodba u dhaliyay 15 gool.

Wiilkii hore ee Lille wuxuu heerka cadcad uga jiraa noqoshada laacibka PFA ee sanadka iyada oo laga fiirinayo dadaalladiisa bandhigga fiican leh.

Laacibka ay iskala tirsan yihiin Chelsea ee Febregus ayaa dhawaan u tilmaamay Hazard inuu noqdo kaligiis wiil marka uu taagan yahay fursadda muuqata si uu u gaaro hal-tirsiga goolal ee Messi.

Hazard-na wuxuu shaaca ka qaaday in Febregus uusan aheyn saaxiibka kaliya ee sidaas kula taliyay.

“Febregus ma ahan saaxiibka kaliya ee igula taliyay inaan noqdo kaligiis dhaliye gool siiba markan dul taaganahay fursadda ii muuqata,”ayuu Hazard u sheegay Sky Sports.

“Dad badan ayaa sidaas oo kale igula taliyay. Hayeeshe marka aan helo fursadaha waxaan jeclahay inaan sii gudbiyo.”

“Waan isku dayay inaan iska dhigo sidaas marar badan. Waana ogahay inay ii wanaagsan tahay si aan u dhaliyo goolal badan haddii aan doonayo inaan la tirsado laacibiinta Ronaldo iyo Messi. Waana ku taaganahay hadda kadib.”

Messi ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 47 gool halka Ronaldo uu isna shabaqa dhigay 31 gool.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan