Home / Cayaaro / Hector Bellerin oo ka tagaya Arsenal

Hector Bellerin oo ka tagaya Arsenal

Himilo – Hector Bellerin ayaa la soo warinayaa in uu ka tagayo Arsenal inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

25 jirka ayaa wali heysta muddo seddex sanno ah oo ka dhimaan qandaraaskiisa Emirates Stadium laakiin wararka la xiriira mustaqbalka daafaca ayaa soo baxayay toddobaadyadii tagay.

Kooxo badan sida Sevilla, Paris Saint-Germain, Bayern Munich iyo  Juventus ayaa la rumeysan yahay inay xiiseynayaan saxiixa cayaaryahanka reer Spain ol-olaha 2020-21

Bellerin ayaa keliya ka soo muuqday 14 kulan oo horyaalka Ingiriiska ah xilli cayaareedkan sabab la xiriita dhaawacx sida ay qortay Sky Deutschland.

Bellerin ayaa dhaliyay gool isaga oo sameeyay labo caawin 22 kulan oo Arsenal ah.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan