Home / Habka-Nolosha / Henry: “Arsen Wenger waa inuu ku guuleystaa horyaalka England PL.”

Henry: “Arsen Wenger waa inuu ku guuleystaa horyaalka England PL.”

Muqdisho – Thierry Henry ayaa sheegay in macalin Arsen Wenger uu u baahan yahay ku guuleysiga horyaalka PL kadib markii mustaqbalkiisa Arsenal lagu xaliyay heshiis laba sano oo dheeri ah.

Macalinka ayaa cusbooneysiiyay heshiiskiisa maalinta Arbacada kagadaal markii kooxdu ka hartay Champion League kuna dhameysatay booska shanaad kala horreynta horyaalka – walow ay ku guuleysatay koobka FA Cup-ka England.

Henry, oo ah rikoor-haya gool-dhalineed ee naadiga ayaa dareemaya in qof kasta oo ku sugan gegida Emirates uu sugayo inay ku guuleystaan horyaalka 2004 kadib.

Laacibkii ku guuleystay koobka adduunka sanadkii 1998, ayaa u jeeda shaxda cusub ee uu macalin Wenger ku dhameystay horyaalka inay qeyb ka tahay is-baddalka.

Mar la weydiiyay haddii go’aanka uu macalin Wenger ku aqbalay sii joogista naadiga ay tahay mid saxan, Henry wuxuu Sky Sports ku yiri: “Waqtiga ayaa sheegi doona.”

“Ka laacib hore ahaan, waan ku faraxsanahay in macalin Wenger uu ku nagaado Emirates.”

“Waxay ku gabagabeysteen dhamaad fiican.”

Henry ayaa intaas ku daray: “Qof kasta wixii sugayaa hanashada horyaalka laga bilaabo macalinka ilaa taageerayaasha.”

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan