Home / Habka-Nolosha / Henry: Badalista macalin Wenger? Ma ogi!

Henry: Badalista macalin Wenger? Ma ogi!

Muqdisho – Laacib weynihii hore ee Arsenal, Thierry Henry ayaan hubin haddii uu diyaar u yahay inuu badalo macalinka ku sugan cadaadiska daran ee Wenger.

Heshiiska Arsen Wenger ayaa ku idlaanaya dhamaadka xagaaga, mustaqbalkiisa naadigana wuu ka fog yahay hubaal – sababo la xiriira qeylo-dhaan kasoo yeereysa taageerayaasha naadiga oo ka uurxun bandhig xumida kooxda ee horyaalka England iyo niyad-jabkii Champion League.

Arsenal ayaa lumisay afar kamid ah shantii kulan ee ay ciyaartay taas oo dhaxalsiisay booska lixaad ee kala horreynta horyaalka PL. Waxay sidoo kale guul-darro foolxun kala kulantay naadiga Bayern Munich ciyaar ka tirsaneyd UCL.

Henry – oo ah rikoor-hayaha gool-dhalineed ee Arsenal waqti kasta – ayaa usoo muuqday mid kamid ah musharrixiinta u taagan qabashada booska macalin Wenger, hayeeshe 39-jirka reer Faransa wuxuu u baahan yahay wax badan inuu barto.

“Anigu iguma tiirsana, waxaa jira waxyaalo qadarin mudan; Arsenal waa qalbigayga, hayeeshe uma hayo garabkii ay u baahneyd,” ayuu Henry u sheegay Canal +.

“Magaceyga waxaa laga mid dhigay kuwa badalaya Wenger, waan maqlay. Hayeeshe way igu adag tahay inaan ka hadlo. Waxaan qadarin u hayaa wax kasta oo macalin Wenger uu sameeyey.”

“Ma diyaar baan ahay? Ma ogi qofna ma oga, hayeeshe waxaa kale oo aan u baahanahay inaa barto shaqadayda.”

“Ma noqonayo lataliye oo kaliya inta aan noolahay, hayeeshe tababaristu ma ahan hadafkayga hadana,” ayuu tilmaamay Henry oo hadda ka hoos-shaqeeya macalin xulka qaranka Belgium.

“Waan jeclaan lahaa noqoshada macalin. Wax kastana waan u sameyn doonaa. Hayeeshe, hadda waxaan ku jiraa barashadeeda.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan