Home / Cayaaro / Hernandez: “ laba sanno kahor ayaan iska diiday inaan ku biiro Real Madrid.”

Hernandez: “ laba sanno kahor ayaan iska diiday inaan ku biiro Real Madrid.”

Himilo FM –Daafaca Atletico Madrid Luicas Hernandez ayaa shaaca ka qaaday inuu diiday inuu u dhaqaaqo kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid, wareysi uu siiyay Diario AS ayuu ku sheegay.

Xiddiga reer France ayaa wargeyska u sheegay in dalab ay u soo bandhigeen sannadkii 2017, laakiin uu diiday.

“Waa run in qiyaastii labo sanno ka hor Real Madrid dalab rasmi ah u soo bandhigtay wakiilkeyga laakiin wakhtigaasi aan diiday.”

Daafaca biddix ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Bayern Munich xagaaga suuqa kala iibsiga, laakiin si kastaba ha ahaatee heshiiskan ma uusan suura gelin, Hernandez ayaana weli la jooga kooxda Diego Simeone.

Waxa uu intaa raaciyay “Waan u sheegay Atletico si ay kooxdu ugu caddeyso in aanan dooneynin in aan ka tago, waxaana is weydiiyey in aan qaato wakhti aan ku fekero.”

Hernandez ayaa haatan qandaraas kula jira kooxda Atletico illaa 2024-ka, si kastaba ha ahaatee kooxda ayaa la filayaa inay si weyn u hagaajiso si ay ugu qanciso inuu sii joogo Madrid.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan