Home / Habka-Nolosha / Herrera: “Macalin Mourinho waa guul-wade.”

Herrera: “Macalin Mourinho waa guul-wade.”

Muqdisho – Laacibka qadka dhexe ee naadiga Manchester United, Ander Herrera ayaa si furan uga hadlay xiriirka uu la leeyahay macalin Jose Mourinho – isaga oo ku tilmaamay guulwade.

Mourinho ayaa aad loogu dhaliilay sida uu kula kowsaday bandhigga naadiga Old Trafford dhamaan tartamadii ay kooxdu dheeshay.

Untied ayaa Ajax ku garaacday finaalaha koobka Europa League taas oo u sahlaysa in xagaaga soo aadan ay boos ka hesho ka qeyb-galka tartanka Champion League – oo ay usii dheer tahay koobabka League Cup iyo Community Shield.

Balse halkii Harrera uu diiradda saari lahaa booska lixaad oo ay ku idleysteen kala horreynta horyaalka PL, wuxuu ku jiheystay inuu ka faalloodo koobabka ay ku guuleysteen.

“Waxaan haddaba kasii fikireynaa koobka European Super Cup ee nagu soo foolan,” ayuu u sheegay Sky Sports. “Kubadda cagtu waa koobab – inaad hadaf ku guuleysato.”

Hadda waxaan ku socnaa inan ciyaarno Champion League – innaga oo heysanna saddexda League Cup, Community Shield iyo Europa League.

“Imaantinka macalin Jose ee kooxda Manchester United, wuxuu ka hadlayay ku guuleysiga koobab, wuuna qaaday.”

“Xagaagii koobaad; saddex koob. Runtii macalinkeennu waa guulwade.”

Harrera ayaa 50 kulan ciyaareed u saftay kooxda United-ka, waxaana loogu yeeray Laacibka Sanadka ee Kooxda.

Dadaalka 27-jirkan ayaan ku imaanin layaab, si kastaba, maadaama uu rumeysan yahay inuu gacan buuxda ka helay macalin Jose si uu noqdo laacibka sanadka.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan