Home / Arrimaha Bulshada / Hindiya: 65 jir dhashay cunuggeeda labaad

Hindiya: 65 jir dhashay cunuggeeda labaad

Haweenay u dhalatay dalka Hindiya ayaa sheegatay inay kamid tahay haweenka ugu da’da weyn caalamka ee dhala sida uu ku soo waramayo wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska.

Wargeyska waxa uu tilmaamay in haweenaydan oo da’deedu tahay 65 jir inay cunug ku dhashay isbitaal ku yaala waqooyiga Hindiya maalintii Arbacada.

Da’da ninka qaba haweenayda aan la magac dhabin waxaa lagu sheegay 80 jir. Dhalashada cunuggiisa kaddib waxa uu codsaday in qoyskiisa laga taageero dhinaca maaliyadda.

Lamaanaha dalka Hindiya ayaa heysta wiil 10 sanno jir oo ka caawiya howsha guriga sida wargeyska Daily Mail uu tilmaamay.

Diktoor Shabir Sadique oo ku taqasusay caafimaadka haweenka ayaa xusay in dhacdadan tahay mid mar la arag ah oo aan inta badan dhicin.

“Inta badan haweenka dalka Hindiya, waxa uu dhiigga kaga go’aa da’da 47 sanno, way adag tahay kaddib inay dhalaan,” ayuu yiri Diktoor Shabir.

Dhaqaatiirta isbitaalka lagu dhaliyay haweenayda ayaa sheegay in caafimaadka cunugga iyo hooyada uu wanaagsan yahay.

Waxaa xusid mudan in haweenka dhala kaddib da’da 50 sanno inay yihiin kuwa isticmaala bacriminta casriga ah. Khubarada caafimaadka ayaa qaba in wakhtiga ugu wanaagsan ee haweenka dhalaan inuu yahay kahor da’da 30 meeyada.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan