Home / Arrimaha Bulshada / Hindiya: Dhallaankii ugu horreeyay oo loogu magac daray Corona

Hindiya: Dhallaankii ugu horreeyay oo loogu magac daray Corona

Himilo – Sida laga soo xigtay warbaahinta dalka Hindiya, waalidiin deggan magaalada Gorakhpur oo ay u dhalatay gabar ayaa ugu magac daray cunugtooda caabuqa Corona.

Waalidiinta ayaa xusay sababta ka danbeysa go’aankooda. Waxay tilmaameen in inkastoo xannuunka yahay dilaa dad badan u dhinteen haddana in magac-bixinta ku timid waxay ugu yeereen faa’iidooyinka kale ee xannuunka sida in uu isu keenay bulshada islamarkaana horseeday wadajir.

Eedada cunugta yar ayaa sheegtay in Corona dhalatay Axaddii iyaga oo culeys badan ka maray in hooyada la geeyo isbitaalka. Waxay intaa raacisay in magac-bixinta lagu soo saari doono warqad rasmi ah.

Nitish Tripathi oo abti u ah cunugta ayaa sheegay in uu isaga codsaday magac-bixinta gabadha si ay tusaale ugu noqoto wadajirka iyo midnimada.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan