Home / Macluumaad / Hindiya: Dhimashada nin loo abuurayay timo oo dhalisay walaac badan

Hindiya: Dhimashada nin loo abuurayay timo oo dhalisay walaac badan

Himilo FM –Nin u dhashay dalka Hindiya ayaa geeriyooday kaddib markii uu maray howlgal caafimaad oo loogu beerayay timo sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaasi.

Shrawan Kumar Choudhary oo 43 jir ah ayaa dhintay kaddib markii uu galay howlgal socday 12 saacadood oo loogu beerayay timo.

Mr Choudhary oo la tilmaamay in uusan qoyskiisa u sheegin howlgalka ayaa bixiyay lacag ku dhaw 7 kun oo doolar si timo loogu talaalo.

Ninka oo ahaa ganacsade ayaa dalbaday in loo talaalo timo badan laakiin wali lama ogga sababta rasmiga ah ee dhimashadiisa.

Dr Vikas Halwai oo ah dhaqtarka u beerayay timaha ayaan la oggeyn inuu aqbalay codsiga Choudhary ee ahaa in loo talaalo timo ka badan xadka qofka loo abuuri karo.

Si kasta, Dr Halwai ayaa u sheegay booliiska in Mr Choudhary uu dareemay culeysyo kaddib markii loo talaalay 3700 oo ah jajabka timo.

Kahor howlgalka, waxaa bukaanka la marsiiyay tallaabooyinka badqabka caafimaad kuwaasi oo dhammaan la hubiyay in la maray.

Waxa uu bukaanka ka cabanayay xanuun dhanka qoorta ah sida uu sheegay Dr Halwai.

Dhimashada ninka loo talaalayay timaha ayaa noqotay sheeko walwal badan ku abuurtay dadka Hindiya si gaar ah waxay u taabatay dadka xiiseynaya in loo abuuro timo si aysan u galin bidaarta oo dad badan u arkeyn baas loo baahan yahay in laga badbaado.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan