Himilo FM –Nin rakaab ah oo tagay Hindiya kana yimid Thailand ayaa lagu qabtay garoon isaga oo boorso ku sida haramcad yar oo dhalan muddo bil ah.
Saraakiisha garoonka ayaa shakiyay markay maqleen cod xayawaan oo ka soo baxaya boorsada ninka oo ugu danbeyn laga helay haramcadka oo culeyskiisu yahay 1 kg.
Waxaa ninka uu ka dagay garoonka Chennai isaga oo ka soo duulay Bangkok. Maamulka ayaa baaraya haddii uu ninka qeyb ka yahay koox caalami ah oo dhoofisa xayawaanada sida saraakiisha u sheegeen wakaalada AFP.
Ninka oo 45 jir ah oo aan la shaacin magaciisa ayaa waxaa ka muuqday jawaabihiisa inuu ku khaldayo booliiska markii su’aalo laga weydiiyay xayawaanka uu boorsada ku watay.
“ Xayawaanka wuu naxsanaa, wuxuuna sameynayay cod isaga oo u muuqday mid liita,” ayay tilmaameen saraakiisha.
Sawirro laga soo qaaday garoonka ayaa muujiyay saraakiisha oo caano ku quudinaya haramcadka. Baaritaan kaddib, haramcadka yar waxaa loo qaaday beerta xayawaanada Arignar Anna Zoological Park oo ku taala Chennai sida ay warisay warbaahinta NDTV.