Hindiya oo Dib u Bilaabaysa Bixinta Fiisooyinka Dalxiiska ee Muwaadiniinta Shiinaha

Himilo – Safaaradda Hindiya ee magaalada Beijing ayaa ku dhawaaqday in ay dib u bilaabayso bixinta fiisooyinka dalxiiska ee muwaadiniinta Shiinaha laga bilaabo 24-ka Luulyo, sida lagu sheegay warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda Shiinaha.

Sida lagu daabacay barta bulshada ee Weibo, muwaadiniinta Shiinaha waxay bilaabi doonaan inay codsan karaan fiisooyinka dalxiiska Hindiya laga bilaabo Jimcaha.

Tani waa markii ugu horreysay tan iyo 2020 oo Hindiya ay dib u furto codsiyada fiisooyinka dalxiis ee dadka Shiinaha, kaddib markii xiriirka labada dal uu sii xumaaday ka dib iska horimaadyo dhimasho sababay oo ka dhacay xadka lagu muransan yahay ee Jammu iyo Kashmir, halkaas oo lagu dilay 20 askari oo Hindi ah iyo afar askari oo Shiine ah.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Guo Jiakun, ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid wanaagsan, isagoo yiri: “Sahlidda safarka xuduudaha ka gudbaya waxay u adeegaysaa danaha labada dhinac.”

Wuxuu intaas ku daray in Shiinuhu diyaar u yahay inuu sii wado wada-xiriirka iyo isuduwidda la leh Hindiya si loo xoojiyo is-dhaafsiga dadweynaha labada dal.

error: Copy lama Ogola Fadlan