Himilo – Hindiya ayaa Isniintii diiwaangelisay afar dhimasho oo cusub oo la xiriirta cudurka COVID-19, iyadoo tirada guud ee dadka la xaqiijiyay inay qabaan fayraska ay kusii dhowdahay 4,000, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee kasoo baxday Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaas.
Wasaaraddu waxay sheegtay in 203 kiis oo cusub laga helay 24-kii saac ee lasoo dhaafay, taasoo tirada guud ee kiisaska gaarsiisay 3,961. Mid kasta oo ka mid ah afarta dhimasho ayaa laga diiwaangeliyay afar gobol oo kala duwan, iyadoo mas’uuliyiintu sheegeen in dhammaan dadka dhintay ay horey u qabeen xanuunno kale oo daba dheeraaday marka lagu daro COVID-19.
Gobolka Koonfureed ee Kerala ayaa weli ah meesha ugu daran ee uu saameeyay cudurka, isagoo keliya xambaarsan in ka badan 1,400 kiis. Gobollada kale sida Maharashtra iyo caasimadda Delhi ayaa sidoo kale laga dareemayaa koror degdeg ah oo kiisaska ah.
Inkasta oo tirada kiisaska ay korodhay, haddana Golaha Cilmi-baarista Caafimaadka Hindiya (ICMR), oo ah hay’adda caafimaad ee ugu sareysa dalka, ayaa todobaadkii hore sheegay in mowjaddu hadda jirta ay u badan tahay faracyada cusub ee Omicron, islamarkaana inta badan ay yihiin “kiisas fudud”.
ICMR waxay intaas ku dartay in aysan jirin wax sabab ah oo degdeg ah oo walaac leh, taasoo muujinaysa in xaaladdu wali gacanta lagu hayo.
Wasiirka Caafimaadka Hindiya, Prataprao Jadhav, ayaa sidoo kale toddobaadkii hore bulshada ku wargeliyay in dowladda si buuxda ugu diyaar garoobtay wax kasta oo dhici kara. Magaalada Delhi, hay’adaha caafimaadka ayaa bishii hore soo saaray awaamiir ku saabsan in isbitaalladu dib u eegaan heerka diyaar-garowgooda.
Sida laga soo xigtay Worldometer, Hindiya waxay tan iyo sanadkii 2020 diiwaangelisay in ka badan 45 milyan oo kiis oo COVID-19 ah iyo 533,570 dhimasho.