Home / Macluumaad / Hindiya oo xiraysa baararka qamriga ee jidadka saaran

Hindiya oo xiraysa baararka qamriga ee jidadka saaran

Mumbai – Maxkamadda Hindiya ayaa ku xukuntay in albaabada la iskugu laabo baararka lagu iibiyo khamrada iyo daroogooyinka ee ku dherersan jidadka waaweyn ee dalkaas taas oo ah dadaal lagu doonayo in lagu dhimo shilalka baabuurta iyo waddooyinka ee ka dhasha cabista qamriga.
Maxkamadda ayaa amartay inay dowladdu diido bixinta ruqsadaha la xiriira baararka iibiya qamriga iyo maandooriyaha iyo inay sidoo kale cusbooneysiiso kuwii hore wixii ka danbeeya 31 March.
In kabadan 146,000 oo qof ayaa ku dhintay shilal ka dhacay waddooyinka dalkaasi Hindiya sanadkii hore.
Boqolkiisa 5% oo u dhiganta 6,755 oo dhimasho ah waxaa sababay wadayaal cabsan ama maandooriye qaatay.
Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in la fujiyo boorarka ay ku qoran yihiin xayaysiimaha loo sameeyey qamriga ee ku dhegsan jidadka waddooyinka waaweyn. Waxaana sidoo kale la amray in dukaamada iibinaya qamriga ay ka dheeraadaan jidadka fogaan dhan 500 oo mitir.
Ol’ololeeyaasha ayaa sheegay tirada badan ee ah dukaamada saaran jidadka ee iibiya qamriga ay sabab u yihiin shilalka.
Qamriga ayaa mamnuuc ka ah afar gobal oo Hindiya kamid ah oo ay ku jiraan Gujarat, Bihar, Manipur iyo Nagaland.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan