Home / Dhaqaale / Hoggaamiyaha Waqooyi Kuuriya oo $500,000 ku bixiyay heshiis Fardo

Hoggaamiyaha Waqooyi Kuuriya oo $500,000 ku bixiyay heshiis Fardo

Himilo – Waqooyi Kuuriya ayaa inka badan 500,000 doolar ku bixisay fardo laga qaaday Ruushka 10-kii sanno ee la soo dhaafay sida ku cad xoggo dhinaca canshuuraha ah.

Xogta oo ay heshay wakaalada wararka Reuters ayaa muujineysa in hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu 75.5 kun doolar ku bixiyay fardo gaaraya 12 sannadkii 2019-ka.

Reuters ayaa tilmaamaysa in heshiiska fardaha ee xukuumadaha Pyongyang iyo Moscow uu yahay mid leh taariikh fog iyada oo Waqooyi Kuuriya ka iibsan jirtay Ruushka fardaha qaaliga ah.

Heshiiska danbe ayaa lagu tirinayaa in uu yahay mid kamid ah kuwa ugu waaweyn oo Waqooyi Kuuriya sameysay tan iyo sannadkii 2015-ka.

Ruushka ayaa u dhoofiyay dalka dhaca Asia 138 faras intii u dhaxaysay 2010 illaa 2019. Waxaa ku baxay adduun dhan 584.3,000 doolar.

Xogta Reuters ayaa ku soo beegmaysa iyada oo Pyongyang sameynayso dadaallo ku saabsan sidii looga yareyn lahaa cunaqabateennada saaran oo wiiqay dhaqaalaha dalkaasi.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan