Home / Caruurta / Hooyo loo xukumay iibka cunugeeda oo Saddex maalin jir ah

Hooyo loo xukumay iibka cunugeeda oo Saddex maalin jir ah

Hooyo 25-Jir ah ayaa lagu xakumay labo Sano oo xarig ah kaddib markii lagu helay danbi ah iibka Cunugeeda oo Sadax maalin dhalan.

Waxay dhaafsiisatay 10,000 KSH, Goobjoog ayayna ka aheyd maxkamadda Deegaanka Kitui oo xakunkani ka dhacay, Markii Garsoore Johnstone Munguti afkeeda ka xaqiiqsaday.

Ms Bernadette Musanya ayaa lagu magacaabaa hooyada, Waxaana maxkamadda loo sheegay inay ku dhashay Xaruun caafimaad oo lagu magacaabo Kanyangi oo ku taalo Miyiga Kitui  29 December 2017, kaddibna waxay cunuga ka gadatay Ms Musanyo 1 January  2018.

Baliiska ayaa gacanta ku dhigay labo hablood oo looga shakisanyahay ku luglahaanshiyah danbigaan, Dhallaanka ayaa la soo bad-baadiyay 3 bishaan ka gadaal markii loo wareejiyay deegaan kale.

Hooyada xukuman ayaa u sheegtay Maxkamadda Sababta ay u iibisay Cunugeeda, waxayna ku sheegtay iney quut u weysay labo caruur ah oo ay horey u heysatay.

18 bishaan ayaa dib loo dhageysan doonnaa dacwaddaan.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan