Home / Habka-Nolosha / Horyaalka Spain iyo dardarta xoogan ee Real Madrid ay ku socoto.

Horyaalka Spain iyo dardarta xoogan ee Real Madrid ay ku socoto.

Muqdisho – Xiddiga Welishka ka soo jeeda ee Gareth Bell ayaa xaqiijiyay awooddiisa uu ku buuxin karo maqnaanshaha xiddiga reer Portugal, Cristiano Ronaldo isaga oo kooxda u horseeday bilow fiican oo uu ku difaacanayo Hanashada horyaalka Spain.

Gareth Bale ayaa dhaliyay daqiiqadii 20aad Goolka 1aad markii uu caawinaad ka helay Karim Benzema, si uu ugu hoggaamiyo Madrid guul weyn. 3-0 ayay kaga badiyeen dhiggoodii Deportivo La Coruna ciyaar habeennimadii Axadda ku dhex martay garoonka Estadio Municipal de Riazor.

7 daqiiqo kadib waxa markiisa shabaqa dul-dhigay kubadda ciyaaryahanka reer Brazil ee Casemiro.

Qeybtii koobaad ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-0 oo ay hoggaanka ku haysay kooxda Caasimada ee Madrid.

Markii dib la isugu soo laabtay, qeybtii 2aad ee ciyaarta Real ayaa halkeedii ka sii waday duullaankii ka dhanka ahaa Deportivo La Coruna, Toni Kroos ayaa daqiiqaddii 62aad ee ciyaarta u suura-galiyay kooxdiisa in ay hesho goolka 3aad ee ciyaarta, kubad uu caawinteedu lahaa xiddigii gool-dhalinta bilaabay ee Gareth Bale.

Dhamaadkii ciyaarta, kooxda  martida loo ahaa ayaa loo dhigay gool kullaad, waxaase ka dayacay xiddigooda Florin.

Kabtanka Real Madrid ayaa laga saaray ciyaarta markii loo taagay calaamadda casaanka ah daqiiqadii 90aad ee kulanka.

Arrintan ayaa waxa ay dhabar jab ku noqon kartaa hannaan ciyaareedka Real oo horay uu uga ganaaxnaa hoggaamiyahooda Cristiano Ronaldo oo lagu ganaaxay in uu garoomada ka maqnaado 5 kulan oo xiriir ah oo uga bilaabatay kulankii ay la ciyaareen lugtii dambe ee kooxda Barcelona.

Ciyaartan ayaa waxaana dhex-dhaxaadiye ka ahaa garsooraha reer Spain ee Jose Luis Gonzalez.

Xaqiiqooyinka laga bartay kulankan

44 baas ayuu ku dhashay goolkii Casemiro, waana goolkii ku yimid baasaska ugu badan tan iyo 2006/2007 La Liga.

Gareth Bale ayaa soo gabagabeeyay 10 kulan oo uu gool la’aan ka ahaa tartamada oo dhan kooxda Real Madrid.

Sergio Ramos ayaa barbareeyay Xavi Aguado iyo Poblo Alfaro kuwaas oo ahaa Ciyaartoyda ugu badan ee qaata kaarka casaan ee La Liga, oo mid kasta oo ka mid ah qaatay 18 calaamada casaanka ah.

Casmero aya dhaliyay Sedex gool, afartii soo bilaabasho oo ugu dambeysay kooxda Real Madrid, Saddexdan gool ayaa ku kala yimid saddex tartan oo kala duwan Sida Champion league, Super Cup iyo La Liga.

Kaylor Naves ayaa si xiriir ah u ilaashatay shabaqiisa markiisii ugu horraysay ee November 2016 dhammaan tartamada.

Toni kroos ayaa dhaliyay saddex gool afartiisii kulan ee ugu dambeysay Horyaalka La Liga-ha.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan