Home / Habka-Nolosha / Ian Wright: “Arsenal waa inay lasoo saxiixataa Virgil van Dijk.”

Ian Wright: “Arsenal waa inay lasoo saxiixataa Virgil van Dijk.”

Muqdisho – Halyeyga kooxda Arsenal, Ian Wright ayaa usoo jeediyay kooxdiisa hore in ay u dhaqaaqdo saxiixa laacibka gadoodka ka ah Southampton, Virgil van Dijk.

Dutch-kan heerka caalami ayaa xaqiijiyay in uu kooxda weydiistay in la fasaxo  Isniintii si uu kaga tago garoonka kooxdu ay ku ciyaarto ee St Mary.

Tima weynahan gadoodka ka ah kooxda ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Liverpool isga oo sidaas oo kale aan diidi doonin dalab kaga yimaada kooxaha kale ee waaweyn.

Chelsea ayaa sidaas oo kale lala xariirinayay 26 jirkan, hayeeshe Wright ayaa hadda kooxdiisi hore ee Arsenal kula taliyay saxiixa xiddigan.

“Kooxdeennu lama aysan saxiixan ciyaaryahanno ay had iyo jeer dadku ka hadli karaan, kuwaas oo u dhaqaaqi kara in ay hoggaamiyaan Arsenal,” ayuu u sheegay BBC Radio 5 Live.

Arsenal xagaagii lasoo dhaafay waxa ay ku fashilantay in ay kamid noqoto afarta kooxood ee ugu sarraysa horyaalka Epl-ka, waxayna ka qeyb gali doontaa tartanka UEFA Europa League.

Xaaladda Sanchez ayaan wali meel u dhicin iyada oo macalinka Arsenal uu ku adkeysanayo in laacibkan uu sii joogi doono tan iyo inta uu ka dhamaanayo heshiiskiisa.

Qore: Abdiaziz Aadan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan