Home / Cayaaro / Ian Wright “Harry Kane waa in uu sannad dheeraad ah siiyaa Tottenham.”

Ian Wright “Harry Kane waa in uu sannad dheeraad ah siiyaa Tottenham.”

Himilo – Weeraryahankii hore ee Arsenal Ian Wright ayaa rumeysan in Harry Kane tahay in uu sii joogo Tottenham Hotspur sannad kale oo dheeraad ah xilli warar badan ka soo baxayaan mustaqbalkiisa.

26 jirka oo hadda dhaawacan ayaa la tilmaamay in uu ka tagi karo kooxda uu leyliyo tababare Jose Mourinho.

Manchester United ayaa la soo wariyay inay xiiseynayso cayaaryahanka inkasta oo Wright uu sheegay in kabtanka England looga baahan yahay in uu fursad siiyo Spurs kahor inta uusan sameyn go’aan ku saabsan mustaqbalkiisa.

Isaga oo la hadlayay BBC Radio 5 Live, Wright ayaa yiri “ Hadda waxay heystaan tababare ku caan-baxay guulaha.”

Kane ayaa shabaqa soo taabtay 181 jeer 278 kulan oo uu u saftay Tottenham. Qandaraaskiisa kooxda ayaa ku eg 2024-ka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan