Ibrahimovic oo doonaya inuu 100 gool u dhaliyo Unitedka kahor intuusan ka tegin

Muqdisho – Zlatan Ibrahimovic ayaa ku hal-adag inay wali tahay in la go’aansado mustaqbalkiisa United-ka tiiyoo laacibkani heshiiskiisu ku egyahay dhamaadka xagaaga.

Waaya’aragga Swedish-ka ah ayaa ban-dhig wanaagsan kusoo bilowday horyaalka England PL isaga oo dhamaan kulamdii uu u saftay kooxdana u dhaliyay 20 gool, macalin Mourinho ayaana doonaya in laacibkani kusii nagaado naadiga sanad kale oo dheeri ah.

Hayeeshe tiiyoo warar ay jiraan tibaaxaya in laacibkani 12 bilood oo dheeri ah looga baahan yahay naadiga, Zlatan Ibrahimovic, oo 35-jir ah, wuxuu sheegay in mustaqbalkiisu uu ku sugan yahay hubaal la’aan.

“Sidaas oo kale, waa inaan dhaliyo 100 gool,” ayuu yiri kadib kulankii ay 2-0 kaga adkaadeen naadiga Watford.

“Doorashada mar hore ayaa la fuliyay. Balse wali wax ayaa dhankayga ka dhiman; waynu arki doonnaa.”