Home / Cayaaro / Icardi oo heshiis 1 sanno ah la galay Inter

Icardi oo heshiis 1 sanno ah la galay Inter

Himilo –Mauro Icardi ayaa oggolaaday inuu qandaraaska u kordhiyo Inter xilli ciyaareed dheeri ah si ay ugu oggolaato inuu dhameystiro ammaah uu ugu wareego Paris Saint Germain sida lagu sheegay warbixin laga soo xigtay Sky Sport.

Icardi ayaa heshiis la galay kooxda Inter oo ku saabsan qandaraas kordhinta oo si rasmi ah loo shaacin doono marka uu 26 jirkan tijaabada caafimaadka u maro kooxda reer France saacadaha soo socda.

Xiddiga reer Argentina ayaa qarka u saaran inuu ammaah ugu biiro kooxda Parc des Princes oo u furan ikhtiyaar iibsasho.

PSG ayaa siin doonta Inter 5 milyan Euro oo ah lacagta amaahda ah iyaga oo heysta  fursad ay si joogta ah ugula wareegi karto xagaaga soo socda adduun lacageed dhan 65 milyan Euro taasoo la micno ah in wadarta guud ee heshiiska uu noqon karo ilaa 70 milyan Euro.

Icardi ayaan kasoo muuqan Nerazzurri  xilli ciyaareedkan iyadoo dhowr jeer maamulka kooxda ay u sheegeen in aan loo tixgelin doonin inuu qeyb ka yahay mashruuca kooxd.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan