Home / Arrimaha Bulshada / Iceland: Magacyada ragga iyo dumarka oo aan la kala sooci doonin!

Iceland: Magacyada ragga iyo dumarka oo aan la kala sooci doonin!

Himilo – Iceland  magac bixintu waxay noqon doontaa mid aan loo kala gaar yeelin lab iyo dheddig marka magacyada la diiwaan gelinayo. Tani waxay qof walba u ogolaaneysaa inuu baxsado magaca uu doono!.

Sharcigan cusub ee ay dawladdu meel marisay waxa uu meesha ka saarayaa sharci dhigayay in gabdhaha loo bixiyo magacyo gabdheed raggana loo bixiyo magac raggeed. Hadda lama kala saarayo magacyada.

Sannadkii tagay guddiga magac bixinta ee Iceland waxa uu diiday codsi gabar 4 jir ah loogu ogolaan lahaa magaca Alex sababtoo ah markaa waxaa loo aqoonsanaa keliya wiilasha balse immika waa la wadaagi karaa.

Xeerkan cusub waxa uu sidoo kale boorinayaa in la baxsado magacyada qoyska. Geesta kale, qofkii raba inuu magac gaar ah baxsado waa inuu codsi u gudbiyaa guddiga qaabilsan si loo diiwaan galiyo jinsigiisa.

Waaxda diiwaan gelinta waxaa lagu wadaa inay qaabilaan codsiga dad badan oo doonaya inay magacyadooda beddelaan, balse dawladda ayaa sheegtay iney magacyada beddelaan karaan muwaadiniinta u diiwaan gashanaa lab ama dheddig.  

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan