Munaasabad lagu daah furayay tartan Qur’an oo ay soo qaban qaabisay idaacadda Himilo islamarkaana u gaar ah gabdhaha da’doodu ka hooseyso 13-ka sanno ayaa lagu qabtay isla xarunta warbaahinta. Mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jira lakabyada ugu sarreeya idaacadda, Jaamacadda Muqdisho, waalidiin iyo gabdhaha ka qeyb-gali doona tartanka ayaa soo xaadiray.
Munaasabadda ayaa loogu diyaar-garoobayay bilaabashada tartanka Qur’aan aqriska oo si rasmi ah uga billowday xarunta warbaahinta Himilo ee Muqdisho.
Madaxda iyo mas’uuliyiintii kala duwaneyd ee munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda iyo dadaallada loogu jiro baahinta kheyrka maadaama nacabka Islaamka ay isku dayayaan halgan adag oo ay ku daminayaan iftiinka Qur’anka.
Warbaahinta Himilo ayaana horay u qaadaysa tallaabo kasta oo lagu xoojinayo faafinta iyo muujinta shacaa’irta Islaamka. Agaasimaha idaacadda Himilo Aweys Xuseen Caddow ayaa daah furay tartanka Qur’aanka kariimka ee u gaarka ah gabdhaha.
“ Aad baan ugu faraxsanahay haddii aan nahay idaacadda Himilo inaan qabano tartanka Qur’aanka sanadkii 2aad isaga oo ka gedisan sanadkii hore sababtuna waa in tartanku u gaar yahay gabdhaha Soomaaliyeed,” ayuu yiri agaasime Aweys Xuseen
Waxa uu intaa raaciyay Aweys sababta tartanka loogu gaar yeelay gabdhaha Soomaaliyeed “ tartankii sanadkii hore, waxaa isdiiwaan geliyay 35 arday, 80% waxay ahaayeen wiilal, sanadkan waxaan isla garanay inaan gabadhaha dhiira-gelino maadaama ay yihiin udub dhexaadka bulshadda,” ayuu raaciyay Aweys.
Sidoo kale, hormuudka kuliyadda sharciga iyo qaanuunka jaamacadda Muqdisho Cabdiqaadir Shiikh Axmed “ Maye” oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku bogaadiyay maamulka idaacadda tallaabadan. Wuxuuna guul ku tilmaamay gabdhaha ku tartamaya Qur’aanka
Ujeedo badanta tartanka waxaa ugu muhiimsan in mar kasta maanka lagu hayo heerka hadba faca soo koraya ay ka joogaan barashada diinta. Baahintanina ay dirayso farriin ah in wali Qur’anku uu yahay mid ku nool quluubteenna.
Macallin Cali Nuur Afrax oo ah barre Qur’aanka kariimka oo arday uu soo baray Qur’aanka uu ka qeybgalayo tartanka ayaa waxa uu bogaadin iyo talo isugu daray gabdhaha da’da yar ee ka qeybgalaya tartanka Qur’aanka
Dhinaca kale, guddoomiyaha guddiga tartanka Qur’aanka kariimka Dr Shide Cali kabe ayaa sharraxaad ka bixiyay tartanka iyo sharciyada ka yaalla, wuxuu xusay in cadaaladdu ay sal u tahay tartanka.
Tartanka waxaa taabba-gelinaya hay’adda Qatar Charity, waxana fulinaysa idaacadda Himilo.Ku dhawaad 14 gabdho oo ka kala yimid inta badan degmooyinka gobalka Banadir ayaa ku tartami doona 30 –ka Jus. Sida qorshuhu yahayna, waxaa la dhowrayaa in maalmaha ugu danbeeya bisha Ramadaan lagu soo af-meero. Da’da loo cayimay inay qeyb ka noqdaan tartanka ayaa ka hooseeya da’da 13-jirka.
Si kastaba, Tartanka Qur’aanka ma aha kii ugu horreeyay ee idaacaddu qabato laakiinse waa kii ugu horreeyay ee nuuciisa ah ee u gaar ah gabdhaha Soomaaliyeed. Guulaystayaasha ugu danbeeya ee kusoo baxa tartanka waxaa la guddoonsiin doonaa abaal-gudyo ay ku farxaan oo ay bixinayso hay’adda Qatar Charity.
finasteride 5 mg online cheap Spectra acquisition was conducted in the 40 3500 m z range