Iibka xoolaha iyo u diyaar-garowda Iidda

Himilo – Saaxibkiis ayuu ku waayay carafadii hore, kaddib markii geeska lo’ uu si lama filaan ah docda uga muday. Shiine Yuusuf, oo mid ka mid ah ragga xoolaha qala, ayaa weli la nool xusuustaas murugada leh. Inkasta oo ay xanuun badan u tahay, haddana Shiine wuxuu halgan ugu jiraa inuu helo nolol iyo badbaado, isagoo isweydiinaya: “Sidee xeero lagu xagtaa, ilkona ku nabad galaan?”

Goobtan waa Suuqa Dayax ee degmada Hilwaa, halkaas oo dhaqdhaqaaq xoog leh uu ka socdo maalmihii ugu dambeeyay ee bisha Carafo. Xilligan, suuqan wuxuu martigelinayaa nooc kasta oo xoolo ah: Ari, Idaha iyo Lo’da. Qiimahooda iibkuna wuxuu ku xiran yahay nooca neefka, tayadiisa iyo baahida suuqeed ee waqtiga.

“Neefkan ariga ah waxaa laga bixiyay $128,” ayuu yiri Xasan Maxamed, oo ka mid ah ganacsatada xoolaha. Isagoo sheegaya in qiimahan uu ka hooseeyo kii sanadkii hore.

Hase yeeshee, aragtidaasi lagama wada sinna. Dahabo Yarow, oo ka mid ah haweenka ganacsada ariga, ayaa tilmaameysa in qiimaha ariga uu sanadkan kor u kacay marka loo eego carafadii hore. Waxaa muuqata in kala duwanaanshaha qiimuhu uu salka ku hayo meesha iyo xaaladda suuqyada kala duwan.

Dalaaleyda xoolaha ayaa si weyn ugu hawlan iibinta xoolaha. Waa waqti sannadle ah oo ay aad u sugayaan. Maxamuud , oo ka mid ah dadka la socdo dhaq-dhaqaaqa suuqyada, ayaa si kooban u sharraxay heerarka qiimaha kala duwan:

  • Ari: Qiimo ahaan wuxuu gaarayaa $120–$150, iyadoo ku xiran culeyska iyo caafimaadka.

  • Lo’: Wuxuu gaarayaa ilaa $600, gaar ahaan lo’da weyn.

  • Geel: Qiimahiisu wuxuu kor u dhaafi karaa $1,000.

Sare u kaca qiimahani wuxuu la xiriiraa baahida weyn ee udxiyada bisha Carafo – taasoo ah fursad sannadle ah oo ay suuqleyda xooluhu ka macaashaan.

In kasta oo Carafadu tahay xilli ganacsi, dad badan ayay la tahay xusuus murugo leh. Shiine Yuusuf wuxuu tusaale u yahay dadka xusuusta walwalka leh la socda. Dhacdadii uu ku waayay saaxiibkiis waxay ku reebtay su’aalo badan, balse nolol raadinta ayaa sii wadday safarkiisa.

error: Copy lama Ogola Fadlan